Haddii aad illowday eraygaaga sirta ah, waxaad dhagsiin kartaa 'Ilowday password' oo ku xigta qaybta sirta ah ee gelida bogga. Waxaa markaa lagu weydiin doonaa inaad geliso cinwaanka emaylka ee aad ka diiwaangelisay TELUS Health One. Ka dib waxaan kuu soo diri doonaa email leh linkiga si aad dib ugu samayso eraygaaga sirta ah. Markaad riixdo tan, waxay furi doontaa shaashad cusub oo aad gelin karto erayga sirta ah ee cusub.
Haddii aad hore u gashay TELUS Health One laakiin aad jeceshahay erayga sirta ah ee cusub waxaad ku cusboonaysiin kartaa adiga oo maraya Settings > Habbaynta Koontada > Badal erayga sirta ah, ama raac linkiganan. Si aad u samaysato eray cusub oo sir ah waxaad marka hore u baahan doontaa inaad xaqiijiso midka hore ee jira.
Fadlan iska jir, in kasta oo aad samaynayso furaha eraygaaga sirta ah ee cusub biraawsarkaaga webka weli waxaa laga yaabaa inuu midkii hore kaydsan yahay. Markaad soo gashid mar labaad hubi inaad tirtirtid wixii hore uga buuxay eer erayada sirta ah ahaa oo gacanta ku qor midka cusub.
Fadlan hubso inaad isticmaaleyso mid ka mid ah biraawsaradayada la taageero (Chrome, Firefox, Safari iyo Internet Explorer 11) iyo in nooc kasta oo ka mid ah gooshida gaarka ah la damiyo.